Man United Oo Talaabo U Qaaday In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Bruno Fernandes.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay la kulanto wakiilka Bruno Fernandes si ay ugala hadlaan heshiis cusub oo uu u saxiixo xiddiga reer Portugal.

26 jirkaan ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo qaatay Red Devils tan iyo markii uu ka yimid Sporting Lisbon suuqii January 2020 isagoo dhaliyay 40 gool isla markaana caawiye ka noqday 25 kale 79 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Fernandes ayaa fure u ahaa guulaha Man United ee xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 28 gool 17 kalena caawiye ka noqday 57 kulan oo uu u saftay Man United.

Heshiiska xiddiga reer Portugal ayaa dhici doona xagaaga 2025 laakiin Red Devils ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay Record, wakiilka Fernandes Miguel Pinho ayaa haatan ku sugan magaalada Manchester wuxuuna la kulmi doonaa kooxda si uu heshiis cusub ugala hadlo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE