Real Madrid Oo Qorsheyneysa In Ay Iska Iibiso 13 Xiddig Suuqa Xagaagan

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa qorsheynaya inuu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo doonaya in uu iska iibiyo 13 xiddig.

Sida laga soo xigtay wargeyska Okdiario, kooxda ayaa doonaysa in ay iska dirto dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah si ay ula soo saxiixdaan xiddigo ay ku xoojiso kooxda.

Liiska xiddigaha ay Real madrid doonayso in ay iska iibiso ayaa ah Dani Ceballos oo amaah kula jooga Arsenal, Gareth Bale oo amaah kula jooga Tottenham,Brahim Diaz, oo amaah ugu jooga Milan, iyo Borja Mayoral, oo amaah ugu jooga Roma, Takefusa Kubo oo amaah kula jooga kooxda Getafe, Jesús Vallejo oo amaah kula jooga Granada iyo Luka Jović oo kula jooga Eintracht Frankfurt.

Real Madrid ayaa sidoo kale iibin doonta 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo kala ah Marcelo oo ah kabtanka 2-aad ee kooxda, Isco Alarcon, Alvaro Odriozola iyo Mariano marka lagu daro xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard.

Daafaca dhexe ee Raphael Varane ayaa ku biiri doona Liiska xiddigaha ay iska iibinayso kooxdu hadii uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Los Blancos.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE