Supercomputer Oo Sameeyay Saadaasha Ugu Dambaysa Ee Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Ka Hor Kulanka Ugu Dambeeya Ee Xilli Xiyaareedka.

Liverpool iyo Chelsea ayaa u soo bixi doona Champions League iyada oo Leicester City ka hadhi doonto tartan mar kale.

Waxa sidaas saadaaliyay supercomputer ka hor kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka ee la ciyaari doono maalinta Axada iyada oo kooxaha qaar wax walba u ciyaarayaan.

Sida ay haatan wax yihiin Chelsea ayaa leh 67 dhibcood oo ay ka heleen 37 kulan halka ay kooxaha Liverpool iyo Leicester City isku dhibco yihiin laakiin Liverpool 4 gool kaga horayso Leicester City.

Chelsea ayaa Axada booqan doonta Aston Villa iyaga oo ogsoon in guul ay gaadhaan ka caawin doonto in ay soo baxdo iyaga oo aan sugin natiijooyinka kale Liverpool ayaa dhankeeda gacanta ku haysata nasiibkeeda iyaga oo u baahan guul si ay ugus oo baxaan champions league iyaga oo la ciyaari doona Koxoda Crystal Palace.

Leicester ayaa la ciyaari doonta Tottenham waxana ay u baahantahay in ay ka badiso Tottenham waliba dhaliso ugu yaraan 5 gool si ay ugu soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in ay Leicester City bar-baro la gali doonto Tottenham kuna dhamaysan doonto xilli ciyaareedka 67 dhibcood sidaas darteed ku dhamaysan doonto kaalinta 5-aad.

Dhanka kale Liverpool ayuu u saadaaliyay in ay garaaci doonto Crystal Palace booska 3-aadna kala bixi doonto chelsea oo uu u saadaaliyay in ay bar-baro la gali doonto kooxda Aston Villa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE