Depay: Barcelona Xiiso Ayay U Muujisay Saxiixayga, Laakiin…

Memphis Depay waxa u hadhay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan waxana uu noqon doonaa xiddig xor ah wixii intaas ka dambeeya waxana uu raadinayaa Koox cusub Barcelona ayaana ah kooxda si weyn loola xidhiidhinayo laakiin sidoo kale waxa jira kooxo kale oo doonaya saxiixiisa.

Waxa sidaas xaqiijiyay xiddiga laftiisa kaas oo ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo waraysi siiyay wargaysyada dalka France.

“Waxaan doonayaa inaan aado mid ka mid ah labada ama seddexda koox ee ugu waa weyn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub”ayuu u sheegay L’Equipe.

“Haatan ma hubo kooxda ay noqon doonto, wali ma kala cada laakiin arintaas ayaa ujeedkayga ah”.

“Hadii qaab ciyaareedka aan ku soo bandhigay Lyon aan ku soo bandhigi lahaa PSG kooxaha yurub oo dhan ayaa ila socon lahaa, waa in aan tuso 3 ilaa 4-ta koox ee ugu waaweyn yurub waxa aan qaban karo”.

“Waxa aan doonayaa in aan tayadayda ku soo bandhigo kooxda ugu fiican iyo horyaalka ugu fiican diyaar ayaanan u ahay talaabadaas”.

“Barcelona xiiso ayay u muujisay saxiixayga laakiin sidoo kale waxa jira kooxo kale mana jiraan wax la dhamaystiray haatan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE