Liverpool Oo Ku Dhaw In Ay Ku Guulaysato Abaalmarin Xilli Ciyaareedkan, Maxay Tahay?

Xilli ciyaareedkaan, Liverpool ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareedkii ay filayeen taageerayaasheeda Premier League, kaasoo go’aamiyay tartanka horyaalka premier League oo ay ku guulaystay Man City kadib markii ay Reds ku guulaystay koobka xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad kala horeynta horyaalka premeir League iyaga oo leh 66 dhibcood kuna jirta kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League.

Sida lagu sheegay Daily Mirror Liverpool ayaa qarka u saaran abaalmarin muhiim ah taas oo ah ciyaarta nadiifta ah xilli ciyaareedkii 5-aad oo xidhiidh ah premier League.

Isla wargayska ayaa sheegay in aanay xiddigaha Liverpool la kulmin kaadhka cas xilli ciyaareedkan oo dhan sidoo kale loo taagay kaadhadhak digniinta ah ee ugu yar marka loo bar-bar dhigo kooxaha kae.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay horay ugu guuleysatay abaalmarintaan sideed xilli ciyaareed tan iyo markii uu bilaawday Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 1992/1993.

Liverpool ayaa soo afjari doonta tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan iyaga oo Axada  la ciyaari doona Crystal Palace kana dhici doona Anfield Road, kulankaas oo ay Liverpool doonayso in ay guul gaadho si ay u xaqiijiso booskeeda Champions League.

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE