Man City Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Napoli, Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Ayay Ka Doonayaan.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal kula jirto Napoli iyaga oo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Fabian Ruiz marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

25 jirka ayaa horay si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waxana uu mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Ruiz ee Napoli ayaa dhici doona 2 sano kadib waxana jira warar sheegaya in uu isaga tagi doono kooxda suuqa xagaaga soo socda.

Sida laga soo xigtay Don Balon, kooxda ku guulaystay horyaalka Premier League ayaa xiriir la sameysay Napoli si ay ugala hadlaan xiddiga reer Spain, halka sidoo kale ay wadahadalo la yeesheen wakiilada xiddiga.

Ruiz ayaa 127 kulan u saftay kooxdiisa tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Real Betis bishii July 2018.

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE