Massimiliano Allegri Oo Iska Diiday Koox Premier League Ah & Real Madrid Oo Sabab U Ah.

Massimiliano Allegri ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ku noqon lahaa tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Hotspur.

Kooxda reer London ayaa raadinaysa badalka Jose Mourinho waxana ay la xidhiidhay Allegri wakhti dhawaa si uu u noqdo badalka tababaraha shaqada laga caydhiyay.

Si kasta ha ahaatee wargayska AS ayaa sheegaya in uu tababaraha reer Italy iska diiday Tottenham isaga oo sugaya in uu tababare u noqdo kooxda Real madrid.

Wararka ayaa sheegaya in uu Tababare Allegri doonayo in uu Zidane ka badalo shaqada tababaranimo ee koxda Real Madrid xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan Allegri ayaana loo arkaa badalkiisa ugu munaasibsan ee tababaraha reer France.

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE