Ole Gunnar Solskjaer Oo Qaaday Talaabo Uu Cristiano Ronaldo Ugu Soo Celinayo Old Trafford

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Cristiano Ronaldo si uu ugala hadlo weeraryahanka suurtagalnimada uu ugu soo laaban karo Old Trafford marka la gaadho suuqa xagaaga.

Ronaldo ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Juventus xilli ciyaareedkan isagoo shabaqa soo taabtay 36 jeer 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Kooxda Juventus ayaa ku fashilantay in ay difaacato Serie A-da xilli ciyaareedkan waxana ay halis ugu jirtaa in ay seegto champions league xilli ciyaareedka dambe maadama ay haatan ku jirto kaalinta 5-aad iyada oo hal kulan u hadhsanyahay.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa kooxda Juventus kula jira heshiis ilaa xagaaga dambe ah laakiin waxa uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Juventus.

Sida laga soo xigtay The Athletic, tababaraha Man United Solskjaer ayaa u furan inuu dib ugu soo celiyo Ronaldo garoonka Old Trafford isaga oo xitaa xiddiga si joogto ah ula xidhiidha.

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE