Xiddigaha Khadka Dhexe Ah Ee Goolasha Ugu Badan ka Dhaliyay Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa haatanba isku qoray taariikhda premier League isaga oo dhaafay Halyeeyo sanado badan ka soo ciyaarayay horyaalka premier League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay goolkiisii 28-aad ee premier League tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo baal dahab ah ka galay taariikhda kubada cagta England.

Bruno Fernandes ayaa dhaafay Halyeeyada kubada cagta England ee Frank Lampard iyo Steven Gerarrd kuwaas oo muddo dheer ka soo ciyaaray horyaalka premier League Ahna halyeeyo kubad Englad ah.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ka goolal badan Halyeeyada Frank Lampard, Steven Gerrard iyo Yaya Toure kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Khadka dhexe ah ee goolasha ugu badan ka dhaliyay England tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan:

Bruno Fernandes (Man United) 28 Gool

Frank Lampard (Chelsea) 27

Steven Gerrard (Liverpool) 24

Yaya Toure (Man City 24

Sii Akhriso: Kalmado Jacayl Oo Cajiib Ah Iskuna Diri Karaan Dadka Is Jecel


Source: laacibfm

SHARE