Atletico Madrid Oo Ku Guulaystay Horyaalka La Liga Markii 11 Ee Taariikhdooda, Real Madrid Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka Gaadhay Villarreal & Barcelona Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka GaadhayEibar.

Waxa si Rasmi ah loo soo xidhay Horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2020/2021 iyada oo lagu kala baxay horyaalka La Liga kadib markii la isla gaadhay maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka.

Atletico Madrid Vs Real Valladolid:

Kooxda Atletico Madrid ayaa horyaalka La liga ku guulaystay markii 11-aad ee taariikhdooda kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaateen waliba u qalmeen ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Atletico Madrid ayaa kulanka Valladolid ku soo gashay ka go’naansho ay ku doonayeen in ay ugu guulaystaan horyaalka kana baxaan abaarta koob la’aanta horyaalka sanadihii ugu dambeeyay.

Laakiin kooxda Real Valladolid ayaa Atletic Madrid ka naxsatay kadib markii ay gool ka dhaliyeen daqiiqadii 18-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Oscar Plano kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Qaybta hore ayaa ku dhamaatay iyada oo Atletico Madrid ku dambayso natiijada laakiin ay ahaayeen kooxda fiican dhinaca qaab ciyaareedka Valladolid-na goolka ku dhalisay rogaal celis.

Atletico madrid ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo daqiiqadii 57-aadba dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Angel Correa kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Saaxiibada Luis Suarez ayaan halkaas ku joogsan waxana aysii wadeen dadaalka ay ku doonayaan goolal kale waxana ay dhaliyeen goolka 2-aad daqiiqadii 67-aad waxana u dhaliyay Luis Suarez oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Atletico Madrid markii 11-aad ee taariikhdooda ku guulaystay horyaalka La Liga kadib guul ay ka gaadheen kooxda Valladolid.

Real Madrid Vs Villarreal:

Kooxda Zidane ayaa kulanka ku soo gashay iyaga oo u baahan guul waliba rajaynayay in laga badiyo Atletico madrid si ay u difaacdaan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Laakiin Los Blancos ayaan u ciyaarayn sidii koox doonaysa in ay ku guulaysato horyaalka marka loo eego fursadaha ay iska khasaariyeen iyo waliba in ayna u ciyaarin qaab fir-fircoon.

Daqiiqadii 20-aad ayay Villarreal dhalisay gool ka nixiyay Real Madrid iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Yeremi Pino kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay Real Madrid ayaa ku fiicnayd dhanka kubad hasashada xilli ay Villarreal ciyaaraysay kubad weerar celis ah oo orod ah kuna halis galiyeen daafaca Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka 1-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Los Blancos oo hurdada ka kacday daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa daqiqiadii 90+2-aad dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luka Modric kaas oo ciyaarta ka dhigay ciyaarta 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul soo laabasho leh oo wakhti dambe ah ka gaadhay Villarreal laakiin guushaas ka caawin wayday maadama ay Atletico Madrid hal dhibic ku qaaday horyaalka.

Eibar Vs Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa kulankan iska ciyaaraysay iyaga oo aan wax muhiimad ah siin maadama ay ka hadheen tartanka horyaalka sidoo kale ay xaqiiqsadeen booskooda champions league xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Antoine Griezmann ayaa daqiiqadii 81-aad kooxdiisa u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ku hogaaminayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul dirqi ah ku soo xidhatay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan laakiin ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta.


Source: laacibfm

SHARE