beIN SPORTS: Lionel Messi Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Barcelona.

Ashraf Ben Ayyad, oo ah weriyaha shabakadda beIN SPORTS ayaa taageerayaasha Barceloan war fiican uga sheegay mustaqbalka kabtankooda Lionel Messi.

Heshiiska Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu seegay kulanka ugu dambeeya ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Eibar horyaalka La Liga isaga oo aan shaacin go’aankiisa kama dambaysta ah.

Laakiin Ben Ayad ayaa ku qoray akoonkiisa rasmiga ah bartiisa xiriirka bulshada ee “Twitter” in Messi uu go’aansaday inuu la sii joogo Barcelona, ​​taasoo sidoo kale lagu daabacay akoonka “beIN Sports”.

Messi ayaa isku diyaarinaya inuu Copa America kala qayb qaato xulka Qarankiisa Argentine kaas oo bilaaban doona 11 bisha July laguna qaban doono dalka Argentina.

Waxaa xusid mudan in ay kooxda PSG rajo weyn ka qabtay in ay la soo saxiixato xiddiga suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin waxa ay u muuqataa in uu xiddiga reer Argentine gp’aansaday in uu sii joogo Barcelona.


Source: laacibfm

SHARE