Cristiano Ronaldo Oo Qaadaya Talaabo U Sahlaysa In Uu Ku Laabto Man United.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu si aad ah uga fikirayo ku laabashada Man United 11 sano kadib markii uu ka tagay koxda.

Xiddiga reer Portugal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Juventus kooxda Man United ayaana ka Mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo saxiixa xiddiga.

Wargayska AS ayaa haatan sheeaya in uu Cristiano Ronaldo diyaar u yahay in uu ku laabto Red Devils hadii ay kooxdu doonayso in ay ku soo celiso Old Trafford suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheeaya in uu xiddiga 36 jirka ah xitaa diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa aadka u sareeya ee uu ka qaato Juventus si ay ugu fududaato in uu ku laabto Man United.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay soo bexeen warar sheeaya in uu tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskajer xiddiga la xidhiidhay si uu ugu qanciyo ku laabashada Man United suuqa xagaaga.


Source: laacibfm

SHARE