Hordhac: Atletico Madrid, Vs Real Valladolis, Real Madrid Vs Villarreal, Eibar Vs Barcelona & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Dhamaadka Horyaalka La Liga.

Horyaalka La Liga ayaa maanta si Rasmi ah u soo xidhmi doona iyada oo kooxaha Atletico Madrid Iyo Real Madrid ku kala calaf qaadi doonaan koobka xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay gacanta ku dhigaan koobka horyaalka La Liga maadama ay Barcelona ka hadhay tartanka todobaadkii hore.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Villarreal halka ay Atletio Madrid la ciyaari doonto kooxda Real Valladolid laba kulan oo si gaar ah isha loogu hayn doono caawa.

Dhanka kale Barcelona oo aan waxba u ciyaari doonin kulankan ayaa marti u noqon doonta kooxda Eibar iyaga oo doonaya in ay guul ku soo xidhaan kulamkooda.

Horyaalka: La Liga

Wakhti: 7:00

XAQIIQOOYINKA KULAMADA:

Atletico Madrid ayaa ku guulaysan karta horyaalka La Liga markii 11-aad ee taariikhdooda iyo markii 2-aad intii uu Dieogo Simeone hogaaminayay kooxda iyada oo uu tababaraha reer Argentine noqon karo tababarihii 2-aad ee kooxda ku hogaamiya 2 jeer horyaalka La Liga.

Real Valladolid ayaa laga badiyay 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Atletico Madrid iyaga oo waliba 7 ka mid an aan wax gool ah dhalin.

Real Madrid ayaa ku guulaysan karta horyaalka markii 35-aad ee taariikhdooda waxana ay noqon kartaa markii ugu horaysay ee ay 2 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysto horyaalka tan ilaa 2006/2007 markaas oo uu kooxda hogaaminayay Fabio Capello iy 2007/2008 markaas oo uu hoaaminayay Bernd Schuster.

Tababare Zinedine Zidane ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Real Madrid ah ee 3 jeer ku hogaamiya horyaalka kooxda Real madrid tan ilaa Leo Beenakker oo sidaas sameeyay (1986/1987, 1987/1888 iyo 1988/1889).

Kooxda Barcelona ayaa dhalisay gool mid kasta oo ka mid ah 13-kii kulan ee ay la ciyaartay Eibar iyaga oo guud ahaan dhaliyay 42 gool waxa intaas sii dheer in ay Barcelona dhalisay 2 gool iyo wax ka badan 12 ka mid ah 13 kulan oo ay ka hor tagtay Barcelona.

Barcelona ayaan laga badin 6 kulan ee ay booqatay Eibar  iyaga oo shabaqooda ilaashada 5 ka mid ah kaliyana ku fashilmay in ay hal kulan badin waayeen kaas oo ku dhamaday 2/2 kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaaredkii 2018/2019.


Source: laacibfm

SHARE