Jurgen Klopp: Man City Kuma Guulaysateen Horyaalka Hadii Halkan Arin Dhici Lahayd Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa rumeysan in koox kasta oo ay ku jirto Manchester City aysan awood u lahayn in ay ku guulaystaan horyaalka premier League hadii ay ku dhacaan dhaawacyadii ku dhacay Liverpool xilli ciyaareedkan.

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay Horyaalka Premier League Toodbaadkii hore Kadib markii ay xilli ciyaareed fiican soo qaataan.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatootay natiijooyin xun sabab la xidhiidha dhaawacyo badan gaar ahaan xiddigaha mudada dheer ka dhaawacmaa ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez.

Klopp oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Fiiri, ma ogi inta sano, laakiin waxaan dib u milicsan doonnaa maalin maalmaha ka mid ah, waqtigeena, xilli ciyaareedkaan xaqiiqdii wuxuu qeyb ka yahay sheekadeena iyo taariikhdeena”.

“Haa, in aan xilli ciyaareedka ku dhamysano 4-ta boos ee ugu dareeya waxa ay noola dhigantaa in aan ku guulaysanay koob, hadii ayna xiddigaha kooxdu muujin shaqsiyada khaas ah maanu gaadheen halkan”.

“Sannadkan, tirada dhaawacyada ee na soo gaadhay, ma ahayn xilligii naloo caleemo saari lahaa horyaalka, ma jirto koox arintaas samayn karta”.

“Si kasta oo ay u wanaagsanyihiin, xitaa hadii Man City soo wajahdo dhaawacyo sidan oo kale ah waliba ka dhaawacmaan 3-da difaac ee kooxda may awoodeen ku guulaysiga horyaalka waana si la mid ah Man united iyo kooxaha kale”.


Source: laacibfm

SHARE