Kala Saraynta Ciyaar Wanaaga Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.

Kala saraynta ciyaar wanaaga premier League ee xilli ciyaareedkan ayaa la soo saaray iyada oo Liverpool mar kale hogaaminayso xilli ciyaareedkii 5-aad oo xidhiidh ah.

Casaans ayaa haatan sagaal dhibcood ka sarreysa kooxda kaalinta labaad ee Burnley ee horyaalka, iyadoo hal kulan ka harsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kooxaha ayaa dhibco ku helaya kaadhadhka digniinta ah iyo kuwa casaanka ah, kaadhka digniinta ah waxa lagu helayaa hal dhibic halka kaadhka cas ee digniintu ka horayso lagu helayo 3 dhibcood iyada oo kaadhka cas ee tooska ah lagu helayo 5 dhibcood.

Liverpool ayaa heshay 38 dhibcood iyada oo aan xiddigaha kooxdeeda loo taagin kaadhka cas xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ka mid ah 3 kooxood oo aan xiddigohooda loo taagin wax kaadh cas ah xilli ciyaareedkan kuwaas oo kala ah Leicester City iyo Burnley.

Kooxaha  Arsenal, Aston Villa, Brighton & West Brom ayaa ah kooxaha kaadadha cas ee ugu badan loo taagay iyada oo loo taagay min 4 kaadh ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Kala saraynta ciyaar wanaaga premier League xilli ciyaareedkan:

  1. Liverpool (38 Digniin cards) – 38 dhibcood
  2. Burnley (47 Digniin) – 47 dhibcood
  3. Wolves (47 Digniin, 1 Digniin/Casaan card) – 50 dhibcood
  4. Chelsea (44 Digniin, 1 Digniin/Casaan, 1 Casaan) – 52 dhibcood
  5. Manchester City (44 Digniin, 2 Casaan) – 54 dhibcood
  6. Tottenham Hotspur (49 Digniin, 2 Digniin/Casaan) – 55 dhibcood
  7. Leicester City (57 Digniin) – 57 dhibcood
  8. West Ham United (44 Digniin, 1 Digniin/Casaan, 2 Casaan) – 57 dhibcood
  9. Crystal Palace (51 Digniin, 1 Digniin/Casaan, 1 Casaan) – 59 dhibcood
  10. Southampton (49 Digniin, 3 Casaan) – 64 dhibcood
  11. Leeds United (59 Digniin, 1 Casaan) – 64 dhibcood
  12. Manchester United (62 Digniin, 1 Casaan) – 67 dhibcood
  13. Everton (57 Digniin, 2 Casaan) – 67 dhibcood
  14. Aston Villa (55 Digniin, 4 Digniin/Casaan) – 67 dhibcood
  15. Arsenal (45 Digniin, 1 Digniin/Casaan, 4 Casaan) – 68 dhibcood
  16. Brighton & Hove Albion (43 Digniin, 2 Digniin/Casaan, 4 Casaan) – 69 dhibcood
  17. West Bromwich Albion (50 Digniin, 4 Casaan) – 70 dhibcood
  18. Newcastle United (59 Digniins, 2 Digniin/Casaan, 1 Casaan) – 70 dhibcood
  19. Fulham (66 Digniin, 3 Casaan) – 81 dhibcood
  20. Sheffield United (70 Digniin, 3 Casaan) – 85 dhibcood


Source: laacibfm

SHARE