Messi: Waan ka Xumahay In Aanan Ronaldo Waydiisan Maaliyadiisa.

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa qirtay inuu ka qoomameynayo inuusan weydiisan maaliyada weeraryahanka reer Brazil Ronaldo Nazario bilowgii xirfadiisa ciyaareed.

Messi ayaa ka hor yimid Ronaldo kulamadii El Clasico ee u dhaxeeyay Real Madrid iyo Barcelona, ​​xiddiga reer Argentine ayaa wakhtigaas ku jiray bilowgii xirfadiisa ciyaareed halka uu Ronaldo ku jiray dhamaadkii xirfadiisa ciyaareed.

“Waxaan ka xumahay in aanan dalban maaliyadaha xiddigii aan ka hor tagay sida Ronaldo iyo Roberto Carlos, waxaan rajeynayey inaan helo maaliyadooda”ayuu Messi u sheegay wargayska reer Argentine ee Ole.

Xiddiga Lionel Messi ayaa ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee Barcelona ee xilli ciyaareedkan maadama uu seegi doono kulanka ugu dambeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Messi ayaa isku diyaarinaya in uu xulka qarankiisa Argentine u matalo tartanka Copa America oo la ciyaari doono xagaagan kadib markii dib loo dhigay xagaagii hore.


Source: laacibfm

SHARE