Tottenham Oo Man United, Man City & Chelsea U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Harry Kane.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa ‘ka carooday’ go’aanka Harry Kane ee ahaa inuu banaanka keeno rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda, isagoo u arka hadalada weeraryahan ee dhawaanahan ‘ixtiraam la’aan’.

Kane ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu ka tago waqooyiga London si uu ugu biiro koox koobab u tartamaysa xilli ciyaareedka dambe iyadoo kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ay xiiseynayaan saxiixa kabtanka England.

Qorshaha weeraryahankan ayaa ku soo baxay wareysi uu siiyay Gary Neville isaga oo sheegay in go’aanka iibkiisu ku xidhantahay kooxda Tottenham.

Kane ayaa sidoo kale soo jeediyay in lacag dhan 100 milyan oo euro ay ku filnaan karto adeegiisa xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail Levy ayaa si aad ah uga xanaaqay hadalada xushmad darrida ah ee Kane.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu xiddigu si cad u qirtay rabitaankiisa in uu isaga tago kooxda hadana Tottenham ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu iib ahayn kaliyana ku ogolaan karto in ay iibiso hadii miiska la saaro lacag dhan 150 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE