Wakiilka Lautaro Martinez Oo La Kulmay Laba Kooxood Oo Waaweyn Oo Ka Ciyaara La Liga.

Lautaro Martinez ayaa ka mid ah xiddigaha waaweyn ee la filayo in ay koox cusub ku biiraan suuqa xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in wakiilka xiddiga Lautaro Martinez uu la kulmay kooxaha Real Madrid iyo Atletico madrid si ay ugala hadlaan suurtagalnimada ay ku heli karaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Inkasta oo uu ku faraxsanyahay Inter Milan hadana wakiilka Lautaro Martinez ayaa todobaadkan la kulmay labada kooxood ee ugu waaweyn caasimada Spain kuwaas oo kala hadlay saxiixa xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Argentine xagaagii laakiin heshiiska ayaa fashilmay sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee ay ku jirtay kooxda Barcelona.

Haatan labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa isha ku haya in ay nasiibkooda ku eegaan saxiixa xiddiga una dhaqaaqaan saxiixiisa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE