Bruno Fernandes Oo Qarka U Saaran In Uu Qalinka Ku Duugo Heshiis Cusub Oo Man United Ah, Imisa Ayuu Saxiixayaa?

Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku qaadanayo 200 kun ginni todobaadkii kuna sii joogayo kooxda Man United.

Xiddigii hore ee kooxda Sporting Lisbon ayaa sii wada qaab ciayareedka cajiibka ah ee uu ku jiro isaga oo dhaliyay 28 gool 17 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Fernandes ee Man United ayaa dhici doona ilaa xagaaga 2025 laakiin Red Devils ayaa doonaysa in ay xiddiga ka saxiixato heshiis cusub oo kale.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Fernandes ayaa qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo 2 sano oo kale ah oo uu todobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono 200 kun oo Gini todobaadkii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wakiilka Xiddigu haatanba ku suganyahay Manchester wadahadalo arinta xiddiga ku aadana la qaatay maamulka kooxda Man United.


Source: laacibfm

SHARE