Cristiano Ronaldo Oo Juventus Kala Heshiiyay In Uu Ka Tago Kooxda & Meesha Uu Ku Wajahanyahay Oo Uu Haatanba Go’aamiyay.

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya kooxdiisa, Juventus, kulan muhim ah, maanta oo Axad ah, oo ay la ciyaarayaan Bologna kulanka ugu dambeeya ee horyaalka Serie A-da iyaga oo u dagaalamaya booska champions League xilli ciyaareedka dambe waxana laga yaabaa in uu noqdo kulankii ugu dambeeyay ee uu xiddiga u ciyaarayo kooxda Bianconeri.

Mustaqbalka Ronaldo ayaa wali ku hareeraysan calaamado su’aal, maxaa yeelay waxay umuuqataa in xidiga reer Portugal uu kusii jeedo inuu ka tago qalcaddii marwada duqda ah xagaaga soo aadan, gaar ahaan hadii kooxdu aysan u soo bixin Champions League.

Dhanka kale Juventus ayaa ka fiirsanaysa Bixitaanka Ronaldo sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo oo uu xanuunka Korona keenay sida uu sheegay wargayska Todofichajes.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo Haatanba Juventus la gaadhay is afgarad lagu kanasalao heshiiskiisa iyada oo uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United.

Isla wararka ayaa sheegaya in is afgaradka Juventus iyo Ronaldo uu dhaqan gali doono dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uu xiddiga 36 jirka ah doonayo ku laabashada Red Devils.


Source: laacibfm

SHARE