Kooxaha Premier League Ee Ka Qayb Qaadan Doona Tartamada Yurub.

Waxa si Rasmi ah u soo xidhmay tartanka Premier League xilli ciyaareedkan iyada oo maanta la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda Man City ayaa guul ugu dabaal dagtay ku guulaysiga horyaalka xilli ay Man United kaalinta 2-aad xaqiiqsatay kadib xilli ciyaared cajiib ah oo ay soo qaateen.

Kooxda Liverpool oo ay dhaawayo dileen xilli ciyaareedkan ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad kadib markii ay garaaceen kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Anfield.

Kooxda Chelsea ayaa dhankeeda guuldaro ku so xidhatay xilli ciyaareedka kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa halka Leicester City mar kale maalinta ugu dambaysa guuldaro la kulantay.

Hadii aan ka hadalno kooxaha u soo baxay tartamada yurub xilli ciyaareedkan 6 kooxood ayaa u soo baxay tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe horyaalka premier League.

Kooxaha Man City, Man United, Liverpool iyo chelsea ayaa dhamaantood u soo baxay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo xaqiiqsaday ujeedkooda xilli ciyaareedka dame.

Kooxaha Leicester City iyo West Ham ayaa dhankooda ka qayb gali doona tartanka Europa league xilli ciyaareedka dambe xilli ay Liecester City xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah maalinta ugu dambaysa iska khasaarisay u soo bixista champions league.

Kooxda Tottenham ayaa dhankeeda ka ciyaari doonta tartanka UEFA Europa Conference League oo ah tartanka 3-aad ee ay UEFA bilaabi doonto xilli ciyaareedka dambe


Source: laacibfm

SHARE