Luis Suarez Oo Fariin U Diray Barcelona Kadib Markii Uu Horyaalka La Liga Ku Hogaamiyay Atletico Madrid.

Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa fariin u diray kooxdiisii Hore ee Barcelona kadib markii uu Atletico Madrid ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa iska dirtay Luis Suarez xagaagii kadib markii ay u sheegtay in aan looga baahnayn kooxda waliba tahay in uu koox cusub raadsado.

Luis Ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Atletico Madrid kuwaas oo uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah una dhaliyay 21 gool oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu Atletico Madrid ku hogaamiyay horyaalka La Liga Luis Suarez ayaa fariin u diray kooxda Barcelona isaga oo ka hadlay qaabkii ay uga direen kooxda.

“Xilli ciyaareedkan aniga ahaan wuu igu adkaa marka la eego wixii igu dhacay bilowgiisii”.

“Barcelona ma qadarin wixii aan kooxda u qabtay waxana ay ii muujiyeen Ixtiraam daro laakiin Atletico Madrid ayaa albaabka ii furtay waliba kalsooni i siisay sidaas darteed waan ku faraxsanahay in aan kula guulaystay horyaalka La Liga”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE