Man United Oo Kingsley Coman Miiska U Saartay Dalab Uuna Diidi Karin.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga garabka uga ciyaara Bayen Munich ee Kingsley Coman u soo bandhigtay heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono 200 kun oo Gini sida ay sheeayaan wararka ka imanaya Germany.

Xiddiga Kingsley Coman ayaa bartilmaameed u ahaa Ma United xagaagii hore laakiin Red Devils ayaa dhamaystiri wayday saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha in ay Bayern Munich diiday iibka xiddiga.

Wargayska Bild ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Man United dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga Kingsley Coman kaas oo dhankiisa doonaya in uu isaga tago Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaanu wax cadaadis ah ku saarnayn in ay iska iibiso xiddiga Kingsley Coman sabab la xidhiidha in heshiis 2 sano ah uga hadhsanyahay heshiiskiisa.

Laakiin ogolaanshaha Man United ee ah in ay xiddiga miiska u saarto mushahar dhan 200 kun oo Gini todobaadkii ayaa wax weyn ka badalaya baacsiga ay United ugu jirto saxiixa Kingsley Coman.


Source: laacibfm

SHARE