RASMI: Arsenal Oo Seegi Doonta Tartamada Yurub Xilli Ciyaareedka Dambe, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay In Ay Gabi Ahaan Seegaan tartamada Yurub

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda ku soo gabagabeysay iyadoo 2-0 ku garaacday Brighton kulan ka dhacay Emirates Stadium wareega 38-aad iyo wareega ugu danbeeya ee Premier League.

Si kasta ha ahaatee guushaas ayaa Arsenal ka caawin wayday in ay ka soo qayb gasho tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe maadama ay ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee kala saraynta premier League.

Xilli ciyaareedka dambe ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee ay Arsenal ku fashilanto in ay ka qayb qaadato tartamada yurub tan ilaa xilli ciyaareedkii 1995/1996 markaas oo ay seegeen tartamada yurub.

Markii ugu dambeeyay ee ay Arsenal ku fashilanto in ay u soo baxdo Tartamada yurub waxa ay horyaalka kaga dhamaystay kaalinta 12-aad xilli ciyaareedkaas waxana ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysteen kaalinta 8-aad.


Source: laacibfm

SHARE