Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Barcelona Kadib Xilli Ciyaareedka La Liga, Maxaa Cusub.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaan aaminsanayn in uu haatanba hogaamiyay kulankiisii ugu dambeeyay ee Barcelona xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ku dhamaystay kaliya ku guulaysiga Copa del Rey-ga sidoo kale ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga.

Koeman ayaa wadahadalo la yeelan doona madaxweynaha kooxda ee Joan Laporte si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa maalmaha soo socda laakiin tababaraha ayaa aaminsan in uu sii hogaamin doono kooxda Barcelona.

“Uma malaynayo in uu kulankan yahay kulankaygii ugu dambeeyay ee Barcelona, sababta oo ah waxa aan kooxda kula jiraa heshiis”ayuu Koeman yidhi kadib kulankii Eibar ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka Barcelona.

“Ma garanayo haatan, laakiin wax badan ayaad ka hadli doontaan, anigu haatan waan daganahay, hadii ay kooxdu doonayso in ay tababaraha badasho way ila hadli doonaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE