Sergio Aguero Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney Ee Manchester United

Sergio Aguero ayaa jabiyay rikoorkii Wayne Rooney ee goolasha ugu badan ee Premier League ee hal koox loo dhaliyay kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee Etihad.

Aguero ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Man City kulankii Everton laakiin kaydka ku bilowday ka hor inta uuna laba gool dhalin kadib markii uu badal ku soo galay.

Rooney ayaa dhaliyay 183 gool 13 sano oo uu joogay kooxda Man United laakiin Aguero ayaa jabiyay rikoodhkaas kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Everton kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 184-aad.

Dhanka kale Aguero ayaa dhaliyay 258 gool 388 kulan oo uu u saftay kooxda Man City waxana uu sii dheeraystay rikoodhkiisa xiddiga ugu goolasha badan taarikhda kooxda Man City.


Source: laacibfm

SHARE