Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Mendy Ka Hor Final-ka Champions league.

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchle ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ku dhacay goolhaye Edward Mendy iyo dhaawicii ka soo gaadhay kulankii Aston Villa ka hor kulanka final-ka champions League.

Kooxda Chelsea ayaa guuldarro kala soo kulantay Aston Villa laakiin xaqiiqsaday booskooda champions league xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ka faa’iiday guuldaradii Leicester City.

Chelsea ayaa wajihi doonta Manchester City Finalka UEFA Champions League Sabtida soo socota.

Chelsea ayaa war xun ka heshay kadib markii uu Goolhaye Edourd Mendy dhaawac uga baxay kadib markii uu ku dhacay shabaqa goolka uu ilaalnayay ee kooxdiisa.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mendy waxa uu ku dhacay shabaqa goolka waxana uu dareemay xanuun xoogan waxa aan sugi doonaa baadhitaanka”.

“Maalinta bari ah ayaan ogaan doonaa xaalada ugu dambaysa waxana aan haysanaa muddo todobaad ah si aan ugu diyaar garawno final-ka champions League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE