WARBIXIN: Fursadaha Napoli, Juventus & Ac Milan Ee U Soo Bixitaanka Champions league Maanta Oo Uu Dhamaan Doono Horyaalka Serie A-da.

Milan, Napoli iyo Juventus ayaa kala bixi doona maanta oo ah maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da iyada oo 3-da kooxood ku dagaalami doonaan boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Milan iyo Napoli ayaa min 76 dhibcood leh, halka Juventus oo ku xigta ay leedahay 75 dhibcood

Kooxda Ac Milan ayaa la ciyaari doonta kooxda Atalanta halka ay Napoli marti galin doonto kooxda Hellas Verona xilli ay Juventus la ciyaari doonto kooxda Bologna.

Waxaa jirta suurtagalnimo ah in ay kooxaha Milan, Napoli iyo Juventus ay xilli ciyaareedka ku dhamaystaan min 76 dhibcood sidaas dargeed waxa la eegi doonaa natiijooyinka kulamadii ay iska hor yimaadeen.

Hadii ay sidaas dhacdo waxa kooxaha Milan iyo Juventus ayaa u soo bixi doona champions League halka ay Napoli ku dhamaysan doonto kaalinta 5-aad.

Milan 76 dhibcood:

Haddii Milan garaacdo Atalanta, kaliya ma xaqiiqsan doonto booska champions league laakiin waxa ay horyaalka Serie A-da ka gali doontaa kaalinta 2-aad.

Sababta oo ah Ac Milan ayaa rikoodh fiican ku haysata kulamada ay iska hor yimaadeen kooxaha Napoli iyo Juventus.

Napoli 76 dhibcood:

Haddii Napoli ay garaacdo Verona, waxa ay xaqiiqsan doontaa kaalinta 4-aad ee kala saraynta.

Napoli ayaan rikoodh fiican ku lahayn kulamada tooska ah ee ay ka hor tagtay Ac Milan laakiin la mid ah kooxda Juventus.

Marka ay labada kooxood wax walba isaga mid noqdaan waxa la eegi doonaa farqiga goolasha kooxda Napoli ayaana Juventus kaga fiican goolasha iyaga oo leh 45+ halka ay Juventus leedahay 36+.

Juventus 75 dhibcood:

Kooxda Juventus ayaa u baahan in ay garaacdo kooxda Bologna sidoo kale rajaynaya in ay kooxaha Napoli iyo Ac Milan dhibco lumiyaan kulamadooda.

Sidoo kale Juventus ayaa bar-baro gali karta laakiin u baahan in ay kooxaha Ac Milan ama Napoli laga badiyo midkood ama labadoodaba.

Hadii ay sidaas dhacdo dhamaan kooxuhu waxa ay yeelan doonaan isku dhibco waxana la eegi doonaa natiijooyinkooda toos ah taasna waxa ay soo saaraysaa kooxaha Juventus iyo Ac Milan.


Source: laacibfm

SHARE