WARBIXIN: Sababihii Keenay In Ay Real Madrid Koob La’aan Ku Dhamaysto Xilli Ciyaareedka.

Real Madrid ayaa u dagaalantay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ilaa iyo dhamaadka, laakiin kooxda ayaa baxday iyada oo aan wax koobab ah ku guulaysan.

Wargayska “Mundo Deportivo ayaa ssoo saaray warbixin uu kaga hadlay sababaha ay kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka u baxday iyada oo aan wax koob ah ku guulaysan.

1- Dhaawacyada iyo Covid-19

In ka badan 60 dhaawacyo ah oo soo gaadhay Real Madrid marka lagu daro 9 xaaladood oo xanuunka Korona ah taas oo ka dhigtay Los Blancos in ay la dhibaatooto taam ahaanshaha kooxda 1-aad.

2- Hogaamiye la’aan:

Real Madrid waxay leedahay magacyo badan oo caan ah, laakiin kooxda ayaa si weyn ula dhibaatooday hogaamiye la’aan garoonka dhexdiisa ah xiddigaha Casemiro, Kroos iyo Modric ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay Laakiin kooxda ayaa u baahnayd in ka badan wixii ay qabteen gaar ahaan dhinca weerarka.

3- Zidane wuxuu aaminsan yahay ruux kooxeed:

Real Madrid ayaa si adag u tartamaysay xilli ciyaareedkan ilaa dhamaadka horyaalka Spain iyo Champions League, sababta ugu weyn ayaana ah joogitaanka Zinedine Zidane, kaasoo awood u leh inuu hogaamiyo qolka labiska Halka uu sidoo kale ku fiicanyahay la dhaqanka shaqsiyada xiddigaha.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkeedii ku soo gabagabeysay inay 2-1 ku garaacday Villarreal kulankii Sabtidii oo ahaa kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkooda.


Source: laacibfm

SHARE