Andrea Pirlo Oo Ka Hadlay Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Man United.

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa sheegay inuu rajaynayo in Cristiano Ronaldo uu sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xagaagan, inkasta oo lala xiriirinayo ku laabashada Manchester United.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Ronaldo ayaa lala xidhiidinayaa kooxda Man United oo uu 6 xilli ciyaareed ku soo qaatay.

Waxa soo baxay warar sheegaya in xiddiga 36 jirka ah uu isaga tagayo kooxda Juventus xagaaga xilli uu gali doono sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda ee Pirlo ayaa hoos u dhigay wararka isaga oo meesha ka saaray in uu xiddigu ka tagayo koxda kadib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka kooxdu.

“Waxa aan arkayaa in uu halkan sii joogayo”ayuu Prilo yidhi.

“Waxa uu arintaas muujiyay todobaadkii hore waxana uu naftiisa u huray kooxda si ay ugu guulaysato koobka Coppa Italia waxana aan arkayaa in uu diirada saarayo xilli ciyaareedka soo socda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE