Barcelona Oo Badalka Ronald Koeman U Doonaysa Mikel Arteta

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa bartilmaameed lama filaan ah u noqday kooxda Barcelona kuwaas oo raadinaya tababare cusub.

Tababaraha Barcelona ee haatan ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda kadib markii ay kooxdu ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga.

Koeman ayaa barcelona ku hogaamiyay Copa del Rey-ga laakiin mustaqbalka tababaraha reer Holland ayuu shaki ku jiraa iyada oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda todobaadyada soo socda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona ka fiirsanayaan in ay Mikel Arteta ka dhigaan badalka Tabababre Ronald Koenan ee kooxda 1-aad.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporte ayaa aaminsan in uu Mikel Arteta kooxda ka qaban doono shaqo fiican maadama uu Pep Guardiola ka soo hoos shaqeeyay.


Source: laacibfm

SHARE