Eden Hazard Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Real Madrid Kadib Dhamaadkii Xilli Ciyaareedka

Weeraryahanka Real Madrid ee Eden Hazard ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Real Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga gaar ahaan hadii ay kooxdu la soo saxiixato xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

Real Madrid ayaa la soo saxiixatay Eden Hazard xagaagii 2019 iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 140 mulyan oo euro laakiin xiddiga reer Belguim ayaa dhaawacyo ku dhibaatooday tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

Sida laga soo xigtay barnaamijka “Chernguito”, Hazard ayaa ka fikiraya in uu isaga tago kooxda Los Blancos isaga oo waliba muhiimadiisa siin doona in uu ku laabto kooxdiisii hore ee chelsea.

Isla Barnaamijka ayaa sheegaya in uuna Hazard ku Faraxsanayn Real Madrid taas oo keentay dhaawacyada badan ee uu xiddigu ku dhibaatoday xilli ciyaareedkan.

Hazard ayaa ciyaaray 43 kulan labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Real Madrid waxana uu dhaliyay 5 gool waxana uu ku dhibaatooday dhaawacyo badan oo soo gaadhay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE