Harry Maguire Oo Kashifay Sababta Uu U Doortay Man United Isagana Diiday Man City.

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa qirtay inuu kala hadlay Pep Guardiola ku biirista Manchester City laakiin qalbigiisu uu doortay ku biirista kooxda Man United.

Daafaca ayaa Red Devils kaga soo biiray kooxda Leicester City xagaagii 2019 isaga oo kooxda ugu yimid lacag dhan 80 milyan oo euro isaga oo noqday daafaca ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.

Jose Mourinho ayaa si aad ah u doonayay saxiixa Maguire sanadkii 2018, halka Pep Guardiola uu sidoo kale muujiyay xiisaha uu u qabo saxiixa xiddiga wakhtigaas oo uu joogay Leicester City.

City ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabtay daafaca snaadkii ku xigay kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ay ka qayb galayeen champions league.

Maguire ayaa qirtay inuu kala hadlay Guardiola inuu u dhaqaaqo Etihad laakiin daafaca ayaa sheegay in xiisaha mudada dheer ee Ma United iyo Taariikhda kooxda, ay ku filneyd inuu ku qanciyo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Isaga oo Gary Neville kala hadlaya City iyo United, Maguire ayaa qirtay in labada kooxoodba ay doonayeen waqti isku mid ah:”Haa labaduba way i doonayeen”.

“Waan la hadlay City sidoo kale waan la hadlay United laakiin waxa aan soo koray aniga oo daawanaya Man United, Ixtraam daro uma hayo Man City, Waxa aan daawan jiray ciyaaraha Man United markii aan yaraa maadama ay Man United ka mid ahayd kooxaha ugu waaweyn adduunka”.

“Mar walba qalbigayga waxa aan ku hahay Man United, waan la hadlay Guardiola laakiin Kooxda Man United ayaa ahayd kooxda uu qalbigaygu doortay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE