Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Bixitaanka Georginio Wijnaldum

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Georginio Wijnaldum uu ka tagi doono kooxda marka qandaraaskiisu dhaco bisha soo socota.

Mustaqbalka xiddiga reer Holland ayaa si weyn loo hadal hayay bilihii ugu dambeeyay isaga oo aan heshiis cusub u saxiixin kooxda Liverpool.

Kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedak premier League Axadii Klopp ayaa xaqiijiyay bixitaanka xiddigii hore ee kooxda Newcastle.

“Gini Wijnaldum wuu ka tagayaa kooxda laakiin dhamaanteen waan jecelanahay”.

“Aad ayaan u tabi doonnaa, kubbada cagta waa wax iska caadi ah in dadku baxaan, laakiin aad ayaan u xiisi doonaa”.

Wijnaldum ayaa ka tagay kooxda Liverpool isaga oo dhaliyay 22 gool 16 kalena caawiye ka noqday 237 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool 5-tii sano ee uu joogay.

sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE