Marcus Rashford Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Fariina U Diray Real & Barca

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa ka dhawaajiyay inuu xiiseynayo u dhaqaaqista horyaalka LaLiga xilli ka mid ah waayihiisa ciyaareed.

23-sano jirkaan ayaa xirfadiisa oo dhan ku qaatay Manchester United ilaa iyo haatan isaga oo ka soo baxay Akademiyada kooxda sanadkii 2016.

“Marnaba ma dhihi doono maya,” ayuu yiri markii la weydiiyay su’aal ku saabsan ka ciyaarista horyaalka La Liga.

“Waxaan taageere weyn u ahay Real Madrid iyo Barcelona, ​​maxaa yeelay waxay had iyo jeer heystaan ​​ciyaartoy waa weyn waxayna soo ciyaareen kubad soo jiidasho leh”.

“Qof walba wuxuu daawadaa Real Madrid iyo Barcelona”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE