Ole Gunnar Solskjaer Oo War Xun Ka Soo Saaray Harry Maguire Ka Hor Final-ka Europa League.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa meesha ka saaray ka qeyb qaadashada Harry Maguire ee finalka European League, Arbacada.

Kooxda Man United ayaa Arbacada la ciyaari doonta Kooxda Villarreal Final-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Maguire ayuu dhaawac ka soo gaaadhay canqowga ah intii lagu guda jiray kulankii Asto Villa ee horyaalka premier League ee todobaadkii hore.

Manchester United ayaa ciyaartay kulankeedii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo 2-1 kaga badisay Wolverhampton Shalay oo Axad ahayd.

Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay Maguire waxana uu ku jawaabay “Dabcan wuxuu jeclaan lahaa inuu ciyaaro. Dhakhtarka ayay u taalaa inuu noo sheego xaalada uu ku sugan yahay, laakiin ma filayo inuu diyaar yahay”.

“Uma muuqato wax fiican, laakiin marwalba waan rajo qabaa, weli rajo ayaan qabaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Maguire wali waxa uu u socdaa si taxadar leh, hubaal wuu nala safri doonaa. Waxaan siin doonaa ilaa iyo Arbacada duhurkii, laakiin rajo fiican ma qabo.”

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE