RASMI: Ole Gunner Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Villarreal Final-ka Europa League.

Tababaraha Man United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa Harry Maguire ku daray Liiska xiddigaha u safray Final-ka Europa League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Ole Gunner Solskjaer ayaa u duulay Poland iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga koobka Europa League xilli ciyaareedkan laakiin ku jirista Maguire ee Liiska ayaa lama filaan noqotay.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in uuna xiddigu taam u noqon doonin kulanka sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah.

Da’yarka Anthony Elanga oo gool dhaliyay kulankii Wolves ayaa dhanka weerarka lagu daray Liiska xiddigaha uu tababaruhu u qaatay Final-ka Europa League xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Solskjaer soo xushay.

Goolhayayaasha: David De Gea, Dean Henderson, Lee Grant, Nathan Bishop.

Daafaca : Eric Bailly, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw, Alex Telles, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams