RASMI: Xiddigaha Ku Guulaystay Gool Dhalinta 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray horyaalada waaweyn ee qaarada yurub iyada oo todobaadkan la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh waliba kulamo aad loo tartamayay.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kuwaas oo ku guulaystay gool dhalinta horyaalkooda 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Harry Kane ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay gool maalintii ugu dambaysay kuna qaaday gool dhalinta 23 gool.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi aya dhankiisa 30 gool ku qaaday gool dhalinta horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhankiisa ku guulaystay gool dhalinta Serie A-da xilli ciyaareedkan isaga oo ku qaaday 29 gool kadib xilli ciyaareed shaqsi ahaan u fiicnaa oo uu soo bandhigay.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo ah xiddiga ugu goolasha badan kuna guulaystay sidoo kale kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub ayaa 41 gool ku qaaday gool dhalinta horyaalka Bundesliga.

Ugu dambayn xiddiga koxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa 27 gool ku qaaday gool dhalinta horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan inkasta oo kooxdiisa laga qaaday horyaalka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Nino 4-tan Arin Ha U Sheegin Gacalisadaada Si Kasta Oo Aad U Jeceshahay


Source: laacibfm

SHARE