Sida Uu Ku Dhamaan Lahaa Horyaalka Premier League Hadii Aan VAR La Isticmaalayn Xilli Ciyaareedkan

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray xilli ciyaareedka premier League kadib xilli ciyaareed daba dheeraa oo ay kooxo bada dhibaatoodeen.

Caawiyaha Garsooraha ee VAR ayaa xilli ciyaareedkan muran badan dhaliyay iyaga oo sameeyay go’aano badan oo sax ah iyo waliba qaar badan oo muran badan dhaliyay oo khalad ah.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray sida ay noqon lahayd kala saraynta horyaalka premier League hadii ay meesha ka maqantahay caawiyaah Garsooraha ee VAR Xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa iyadu sii haysan lahayd booska ay haatan ku dhamaystay xilli ciyaareedka oo ah kaalinta 1-aad laakiin Liverpool ayaa kaalinta 2-aad kala bixi lahayd kooxda Man United halka ay United gali lahayd kaalinta 3-aad.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhamaysan lahayd kaalinta 4-aad halka ay haatan ku dhamaystay kaalinta 8-aad taas oo la macno ah in ay Gunners si weyn ugu lug lahayd go’aanada VAR xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose Kaga Bogo sida ay noqon doonaan kala saraynta premier League hadii ayna jirin VAR.

Image


Source: laacibfm

SHARE