Thomas Tuchel Oo Taageerayaasha Chelsea War Fiican Ka Siiyay Xaalada Edouard Mendy

Thomas Tuchel ayaa rumeysan in Edouard Mendy uu Haatanba sameeyay horumar dagaalka uu ugu jiro in uu taam u noqdo Final-ka Champions league sabtida.

Mendy ayaa ka dhaawacmay Feedhaha kulankii Aston Villa ee Premeir League kadib markii uu ku dhacay birta waxana laga saaray ciyaarta bilowgii qaybtii dambe.

Goolhaye Mendy ayaa lagu badalay Kepa kaas oo markii hore booska u waayay Mendy xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu Blues ku soo biiray bilowgii xilli ciyaareedkan.

Tababare Tuchel ayaa ka warbixiyay xaalada Goolhayaha ka hor kulanka Man City isaga oo sheegay in uuna dhaawaca Goolhayuhu ahayn mid halis ah.

“Edou, wali waan sugaynaa xogta dhamayska tiran laakiin Arbacada waxa uu ku so biiri doonaa tababarka buuxa”ayuu Tuchle yidhi.

“Waxa uu sameeyay horumar fiican isaga oo adeegsanaya xanuun baabbiiye”/

“Sidaas darteed warbixin buuxda ayaan ka sugaynaa xaaladiisa laakiin Waxa aan rajaynayaa in uu Arbacada ku soo laabto tababarka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE