Waa Maxay UEFA Europa Conference League? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Tartanka Cusub Ee Ay UEFA Bilaabi Doonto Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa soo bandhigi doonta tartanka cusub ee Europa Conference League.

Iyada oo Europa league ay ka qayb qaadan doonaan 48 koox sidoo kale champions league ka qayb qaadan doonaan 32 kooxood tartan cusub oo heer 3-aad ah ayay UEFA bilaabi doontaa xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba waa maxay Conference League?

The Europa Conference League tartanka seddexaad ee UEFA iyada oo laga garab ciyaari doono tartamada champions League iyo Europa League waana fikrad ah in fursad la siiyo kooxaha yar-yar ee horyaalada yurub.

Iyada oo ay jiraan kooxo si joogto ah uga qayb qaata tartamada Champions League & Europa League, UEFA ayaa soo saartay tartanka cusub si ay fursad u siiso kooxaha aan sida joogtada ah ugu soo bixin tartamadaa.

Ayaa ciyaari doona Conference League?

Hal koox ayaa uga qayb gali doonta koox kasta oo ka mid ah 5-ta horyaal ee ugu waaweyn sida La Liga, Serie A, Premier League, Bundesliga & Ligue 1 halka ay kooxaha kale uga qayb qaadan doonaan tartanka qiimayntooda min 16 ilaa 50.

Ugu dambayn 32 koox ayaa tartanka isugu iman doona wareega Group-yada marka la soo galo 3 wareeg oo is reeb-reeb ah iyo waliba kulamo kala bax ah.

Sidee Ayuu u shaqayn doonaa tartanka?

Kooxda Group walba ku dhamaysta kaalinta 2-aad ayaa soo bixid oona una gudbi doona wareega 16-ka iyaga oo kuwaas isa hor iman doona wareega Bug baxa iyada oo kulamadu noqon doonaan min 2 kulan.

Goorma Ayaa la ciyaari doonaa?

Tartanka ayaa la ciyaari doonaa maalinta Khamiista sida Europa League laakiin kulamada ayaa soo dhici doona 6:45 iyo 9:00 wakhtiga Yurub.


Source: laacibfm

SHARE