Benzema Oo Si Kooban Uga Hadlay Mustaqbaliisa Iyo Kan Macalinkiisa Ee Qalcadda Santiago Bernabéu

Weeraryahanka Real Madrid ee Benzema ayaa si kooban uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Real ka dib markii ay soo baxeen xogo tilmaamaya in uu baxayo

Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayuu siiyay wargeyska L’Équipe ee France ka soo baxa waxa uuna hawada ku laalay in uu dib ugu laabanayo kooxdiisa hore Lyon

” Haatan ma doonayo arintaas , ma aha waqti ku haboon in aan Lyon ku laabto , Real ayaan u ciyaaraa xilligaan”.

Dhanka kale xaaladda macalinkiisa ayuu soo hadal qaaday isaga oo xusay in uu rumeysan yahay in Zidane uusan xagaagaan ka tageyn Real

Ilo kala duwan aya macalinkaas la xariirinaya in uu baxayo halka qarakood xusayaan in uu aadi doono Juve

” Zidane wax igama qariyo , iga qora kama tagi doono xagaagaan Real” ayuu sii raaciyay Benzema


Source: laacibfm

SHARE