DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii May Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo saaray xiddigaha u tartami doona baaalmarinta xiddiga ugu fiican bishan May ee horyaalka premier League oo ah bishii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka.

Waxa la soo xushay 8 xiddig kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah intii lagu jiray kulamadii la ciyaaray horyaalka bishan May.

Gareth Bale (TOT):

Xiddiga reer Wandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bishan isaga oo dhaliyay saddexley kulankii Sheffield United isaga oo laba gool oo kale dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee Leicester City.

Alisson Becker (LIV):

Alisson ayaa taariikh sameeyay isaga oo noqday Goolhayihii 6-aad ee taariikhda gool ka dhaliya premier League isaga oo sidoo kale shabaqiisa ishaadaday 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Christian Benteke (CRY):

Weeraryahanka reer Belguim ayaa dhaliyay gool 4 kulan oo xidhiidh ah isaga oo gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Aston Villa sidaasna ku gaadhay 10 gool markii ugu horaysay tan ilaa 2016/2017.

Sadio Mane (LIV):

Xiddiga reer Senegal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 3 gool iyo 2 caawin waliba laba gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay.

Nicolas Pepe (ARS):

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal ayaa dhaliyay 5 gool 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ciyaaray isaga oo 2 gool ka dhaliyay kooxda Brighton maalintii ugu dambaysay premier League.

Aaron Ramsdale (SHU):

Ramsdale ayaa sameeyay 25 babaadin taas oo ah rikoodhkii ugu fiicnaa bishan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay laba guul ka gaadho kooxaha Everton iyo Burnley bishan.

Rodrigo (LEE):

Xiddigan ayaa dhaliyay 3 gool isaga oo waliba laba kulan badal ku soo galay ka hor inta uuna laba caawin samayn labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Joe Willock (NEW):

Xiddiga khadka dhexe ayaa noqday xiddiga 2-aad ee Newcastle United ah ee gool dhaliya 7 kulan oo xidhiidh ah taariikhda kooxda isaga oo kooxda ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.


Source: laacibfm

SHARE