Dortmund Oo Heegan Galisay Man United, Sancho Ayay Go’aan Ka Gaadhay

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in ay kooxda Borussia Dortmund  xiddiga Jadon Sancho u ogolaatay in uu ka tago kooxda Suuqa xagaaga.

Xiddiga da’yarka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa mar kale kooxda Man United kuwaas oo doonaya saxiixiisa marka uu furmo suuqa kala iibsia xagaaga.

Jadon Sancho ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man United waxana ay red Devils aad ugu dhawaatay saxiixa xiddiga xagaagii hore.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Dortmund xiddiga reer England u ogolaatay in uu isaga tago kooxda hadii ay koox dalab Dhab ah ka soo gudbiso saxiixiisa suuqa xagaaga.

Dortmund ayaa doonaysa in ay lacagta ay xiddiga ka hesho ku xoojiso kooxdeeda suuqa xagaaga marka loo eego in ay ku dhibaatoonayaan dhanka dhaqaalaha sbaab la xidhiidha xanuunka Korona.


Source: laacibfm

SHARE