Garry Neville Oo Kashifay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Lahayd Premier League Hadii Ay La Soo Saaxiixato Xiddigaha Varnae, Kane & Sancho.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa Magacaabay Saxiixyada kooxda Man United ka caawin kara ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Neville ayaa ka qayb qaatay Su’aalo iyo jawaabo Twitter-ka ah iyada oo la waydiiyay su’aalo badan oo uu uga jawaabay taageerayaasha kooxdiisa ama dadka ku xidhan Twitter-kiisa

Nevilla ayaan sheegay in xiddigaha Raphael Varane, Harry Kane & Jadon Sancho ay Man United ka caawin karaan ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedka dambe.

Mid ka mid ah Dadka Isticmaala ayaa Nevilla waydiiyay Su’aal ah Halkee Ayay Man United kaga dhaamysan kartaa horyaalka premier League hadii ay la soo saxiixato Varane, Kane & Sancho waxana uu ku jawaabay” Horyaalka Ayay Qaadaysaa”.

Kooxda Man United ayaa kaalinta 2-aad kaga dhamaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo sidoo kale aaday Final-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE