Hordhac: Man United Vs Villarreal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka Europa League.

Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Villarreal Final-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka PGE Arena Gdansk.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go’antahay in ay ku guulaystaan koobka Europa League xilli ciyaareedkan si ay uga baxaan koob la’aanta sanadihii ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda Villarreal oo uu hogaamiyo tababare ku guulaysiga Europa league ku caan baxay ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen koobka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Villlarreal Vs Man United

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 10:00

Garooka: PGE Arena Gdansk.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Villarreal iyo Man United ayaa iska hor iman doona markii 5-aad dhamaan 4-tii kulan ee hore waxa ay ku dhamaadeen bar-baro 0/0 ah kuwaas oo dhamaan ahaa champions league intii u dhexaysay 2005/2006 iyo 2008/2009.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 8-aad ee Final Tartamada yurub ah waana kooxda 2-aad ee ugu badan Kooxaha reer England ee gaadhay Final-ka tartamada yurub iyaga oo ka dambeeya Liverpool oo 14 jeer gaadhay Final.

Villarreal ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda gaadhay Final-ka tartan yurub ah iyaga oo noqday kooxdii 11-aad ee Spain ah ee sidaas samaysay.

Mid kasta oo ka mid ah 9-kii jeer ee ay koox Spain ah ka hor tagto Final tartan yurub ah koox England ah kooxda Spain ayaa badisay halka markii ugu dambaysay ee koox Spain ah guuldaro kala kulanto koox England ah Final tartan yurub ah ahayd Alaves sanadkii 2000/2001.

Man United ayaa noqon karta kooxdii 9-aad 22 xilli ciyaareed ku guulaysata Europa League iyaga oo wareega Group-yada kaga soo hadhay tartanka champions League.


Source: laacibfm

SHARE