Man City Mise Chelsea? Wesley Sneijder Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League.

Halyeeyga Kooxda Inter Milan ee Wesley Sneijder ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa isaga hor iman doona final-ka tartanka champions League sabtida iyada oo labada kooxoodba isha ku hayaan ku guulaysiga tartanka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa doonaysa in ay markii 2-aad ee taariikhdooda ku guulaysato champions League halka ay Man City markii ugu horaysay gaadhay Final-ka tartanka waliba doonayso in ay ku guulaysato koobka.

Wesley Sneijder oo si fiican u garanaya final-ka tartank champions League ayaa wax laga waydiiyay labada kooxood ka hor kulanka final-ka iyada oo la waydiiyay in ay labada kooxood ee chelsea iyo Man City yihiin labada kooxood ee ugu fiican England haatan.

Waxana uu ku jawaabay”Haa, waa labada koox ee ugu fiican laakiin aniga ahaan chelsea ayaa ku guulaysan doonta final-ka”.

“Sababta oo ah chelsea waa koox adag waxana ay haystaan Thomas Tuchel oo ah tababare fiican halka ay haatanba dhawr jeer garaaceen Man City sidaas darteed iyaga ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga champions League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE