Miyay Macasalaamayn Tahay? Cristiano Ronaldo Oo Fariin Muran Dhalisay Soo Saaray.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa fariin dheer oo layaab leh soo dhigay bartiisa bulshada, taas oo su’aalo ka dhalisay mustaqbalkiisa kooxda Juventus.

Ronaldo ayaa fariintiisa ku yiri: “Nolosha iyo xirfada xiddig kasta waxa ay ka koobantahay kor u kac iyo hoos u dhac, sanadba sanadka ka dambeeya waxa aan wajahaynaa xiddigo cajiib ah oo cusub iyo xiddigo leh Hamiyo cusub sidaas darteed mar walba waa in aan ilaalino qaab ciyaareedkeena fiican”.

“Sanadkan kumaanu guulaysan horyaalka Serie A-da, Hamblayo Inter Milan ku guulaysiga horyaalka oo ay u qalmeen, hadana waa in aan qadarino wax walba oo aan Juventus ku hogaaminay xilli ciyaareedkan, hadii ay tahay shaqsi ahaan iyo koox ahaanba, Koobka Coppa Italia iyo Italian Super Cup iyo gool dhalinta Horyaalka waanan ku faraxsanahay wax walba inkasta oo aan wajahnay wakhti adag oo ayna fududayn in wax lagu guulaysto”.

“Guulahan waxa aan gaaray ujeed aan Naftayda u Dajiyay tan ilaa maalintii aan imid Juventus oo ahayd ku guulaysiga League, Cup iyo Super Cup, Xiddiga ugu fiican iyo Gool dhalinta horyaalkan weyn ee ay ka buuxaan xiddigo waaweyn iyo waliba leh dhaqanka kubadeed ee khaaska ah”.

“Horey ayaan usheegay in aanan anigu baacsan rikoodhada laakiin Rikoodhada ayaa aniga i baacsada, dadka aan fahmin waxa aan u jeedo, waa wax fudud, kubada cagtu waa mid wada jir loo ciyaaro laakiin shaqsiyaad ayaa caawin kara koox si ay u gaadhaan ujeedkooda”.

“Sidaas darteed waxa aan ku faraxsanahay wax walba oo aan gaadhay ilaa haatan ee ah ku guulaysiga premier League, La Liga iyo Serie A, koobabka England, Spain iyo Italy, England Super Cup, Spain, Super Sup iyo Italian Super Cup, in aan ku guulaystay xiddiga ugu fiican England, Spain iyo Italy, Gool dhaliyaha Premier League, La Liga iyo Serie A iyo in aan100 gool ka dhaliyay dalalka England, Spain iyo Italy.

Ronaldo Ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Waxa aan u mahad celinayaa qof walba oo igala qayb qaatay Marxaladan”.


Source: laacibfm

SHARE