RASMI: Liiska Xiddigaha Xulka Qaranka England Uga Qayb Gali Doona Tartanka Euro 2020 Oo La Soo Saaray

Tababaraha Xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qayb gali doona tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona xaaaga.

Liiskaw axa ku jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan waliba wacdaro ka dhigay premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga Liverpool ee Trant Alexander-Arnold oo si weyn loo filayay in laga reebo Liiska ayaa ka soo muuqday halka kabtanka Man United ee Harry Maguire oo dhaawacan sidoo kale ku jiro.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo dhankiisa dhaawacanaa bilihii ugu dambeeyay ayaa ku soo baxay liiska halka da’yarka Man United ee Mason Greenwood lagu soo daray Liiska.

Halkan hoose kaga bogo Liiska xiddigaha uu tababaruhu u so xushay tartanka Euro 2020:

Goolhayayaasha: Dean Henderson (Manchester United), Sam Johnstone (West Brom), Jordan Pickford (Everton), Aaron Ramsdale (Sheffield United.

Daafaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Wolves), Ben Godfrey (Everton), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City, Kieran Trippier (Atletico Madrid), Kyle Walker (Manchester City), Ben White (Brighton).

Khadka Dhexe: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Jordan Henderson (Liverpool), Jesse Lingard (West Ham), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds), Declan Rice (West Ham), James Ward-Prowse (Southampton)

Weeraryahanada: Dominic Calvert-Lewin (Everton), Phil Foden (Man City), Jack Grealish (Aston Villa), Mason Greenwood (Manchester United), Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Bukayo Saka (Arsenal), Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Raheem Sterling (Man City), Ollie Watkins (Aston Villa).


Source: laacibfm

SHARE