RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Luka Modric, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugay?

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaartay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda 1-aad ah.

Modric ayaa saxiixay heshiis cusub oo hal sano ah oo uu ku sii joogi doono Los Blancos ilaa xagaaga 2022 isaga oo uu wehelinayay madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.

Luka Modric ayaa kooxda Real Madrid ku soo biiray xagaagii 2012 isaga oo kaga soo biiray kooxda Tottenham uguna yimid kooxda lacag dhan 30 milyan oo euro.

Modric ayaa Los Blancos kula guulaystay 4 champions League iyo 2 La Liga intii uu joogay kooxda Real Madrid isaga oo waliba ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda.

Heshiiska Modric ee Real Madrid ayaa dhici lahaa xagaagan laakiin kooxda Real Madrid ayaa go’aamisay in uu xiddigu hal sano oo kale sii joogo kooxda.


Source: laacibfm

SHARE